Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay: “Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Xukuumadda, kuwaas oo ka mid ah Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Xildhibaan Cali Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Wasiirka Wasaaradda Amniga, Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame oo loo magacaabay Wasiirka tamarta iyo Biyaha iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Macalim laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ugu dambey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Cumar Maxamed u magacaabay Wasiir dowlaha Wasaaradda Bay’ada iyo isbeddelka Cimilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM