Soomaaliya: Wasiiru dowle ku guuleystay Kursi ka banaan Baaralmaanka

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa maanta duhurkii lasoo gaba-gabeeyay Doorasho saaka ka billaabatey magaalada Dhusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug, taasi oo lagu dooranayay Kursi ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Faarax Weheliye uu ku adkaaday doorashadii kursiga uu ka geeriyooday sanadkii tagey Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Cabdullaahi Faarax,oo ah hadda Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Illo ku dhaw u sheegay Garowe Online inuu taageero ka helay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mas'uulkan oo ay la tartameen labo musharax oo kale, ayaa ku guuleystay wareeggii kowaad ee codbixinta 28 cod, oo kamid codadkii ay dhiibteen ergo doorasho oo gaareysay 51 xubnood.

Doorashada oo ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa ku tartamaya Cabdullaahi Faarax Weheliye oo helay 28 cod, Maxamed Cilmi Afrax oo helay 17 cod iyo Cabdulaahi Faarax Xirsi oo isna helay 3 cod, waxaana halaabay 3 cod.

Beesha caalamka ayaa horey u sheegtay in doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya ay hareeyeen Musuq-maasuq, ku shubasho iyo iibsiga codadka Ergada doorashada, kadib markii in ka badan 1 million oo Dollar lagu iibsaday Kursi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM