Soomaaliya: Weerar lagu qaaday xarumihii ugu weynaa ee AS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ajnabi ah oo Mareykanka inay yihiin loo maleynayo ayaa weerar ku qaaday degmooyin Al-Shabaab ku awood badan oo Koonfurta dalka ku yaalla.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in la weeraray Bu'aale, Saakow iyo Jilib oo kamid ah gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo la beegsaday goobo ay kamid tahay meel hubka Al-Shabaab ku keydsan jirtay, oo gebi ahaan la burburiyay.

Lama oga khasaaraha inta uu la egyahay, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda oo kusoo aadaysa xili la filayo in dhawaan billowdo wajiga 2aad ee howlgalka militeri, oo Ciidanka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo aah ATMIS kamid ahayn ka qeybgali doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku maqan Eritrea, isagoo raba inuu keeno dalka askarta tababarka u dhamaaday, si ay dagaalka ugu biiraan, waxaana la ogeyn in dowladda ku guuleysan doonto howlgalka ay wado.

Gobolka Jubbada Dhexe guud ahaantiisa wuxuu gacanta ugu jiraan Al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaasha sare ee Kooxda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM