Soomaaliya: WHO oo cambaareysay weerar ka dhacey Laascaanood

Image

(GO) - Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Cambaaraysay weeraro ciidamada Somaliland ay ka gaysteen magaalada Laascaanood.

Weeraradaan oo dhacay 11 bishaan ayaa WHO ay sheegtay in lagu dilay shaqaale caafimaad iyo rayid kale.

" Beegsiga shaqaalaha iyo goobaha caafimaadku waa kuwo aan la aqbali karin.Caafimaad ku ma ahan Denbi" ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan taliska Goojacadde ayaa sii wada duqeymaha aan loo meel dayin ee ay hubka culus ku garaacayaan magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeedka WHO ayaa ku biiraya baaqyada caalamiga ah ee xal u helista colaada Laascaanood oo ay ku baro-kaceen boqolaal kun oo qof.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM