Soomaaliya: Xildhibaan lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goob-joogiyaal iyo Saraakiil Boolis oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay dilka Ruqiya Abshir Nuur oo ka dhacay meel ku dhaw Guri ay ka dagneyd degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Allah ha u naxariistee Ruqiya ayaa labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ugu galay goob farmashiye ah ku taalla nawaaxiga Isgoyska Maana-Booliyo, iyadoo weerarka uu kasoo gaarey dhaawac culus.

Isbitaalka Madiina ayay dhaawicii soo gaarey ugu geeriyootay Ruqiya, waxaana la filayaa in maalinta berri ah lagu aaso magaalada Muqdisho, sida mid kamid ah Eheladeeda u sheegay Garowe Online.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaanadda katirsanayd Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM