Soomaaliya: Xukun lagu riday xubno ka tirsan Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajadda 1aad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun min 15-sano oo Xabsi ciidan ah ku riday Labo nin oo lagu soo eedeeyay inay katirsan yihiin Kooxda Daacish faraca ka howlgala Soomaaliya.

Ragga la xukumay oo kala ah, Mahad Maxamuud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame [Dr. Raage] ayay Maxkamaddu sheegtay inay qirteen Dambiga lagu soo eedeeyay oo qayb ka ah, kadib caddeymo badan oo lasoo hor-dhigay.

Abuu-Yaasiin, oo haysta dhalashada dalka Ruushka ayaa waxaa si gaar ah loogu soo eedeeyay inuu waday abaabulka sameynta koox ka madax banaan Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay isku dhaceen hogaamiyaha Daacishta wayn, sida la sheegay.

"Eedaysane Abuu-Yaasii wuxuu ku dhashay Ruushka, isaga oo ay isla dhaleen Hooyo Ruushiyaan ah iyo Aabo Soomaali ah. Wuxuu muddo ku noolaa Suuriya. Halkaasoo uu kusoo qaatay tababaro badan," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Maxkamadda.

Dr. Raage ayay isaguna daboolka ka qaadeen Dacwad-oogayaasha inuu ahaa sarkaal sarre oo dhanka caafimaadka ah, islamarkaana uu hore u ahaa Ganacsadda ka shaqaysanayay Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sarre Xasan Nuur Cali [Shuute] ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isaga oo cod dheer ku sheegay in cidii aan ku qanac-saneen uu Racfaan furan yahay.

"Kadib markii Maxkamadda ka horkeenay caddeymo muujinaya dambbiyadda lagu soo eedeeyay, waxay ku xukuntay Min Shan iyo Toban [15] sano oo Xabsi ciidan ah, ciddii aan ku qanac-saneen waxaa ufuran Racfaan," ayuu yiri Gudoomiye Shuute.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamada Qalabka sidda ay xukun Xabsi daa’in ah ay ku riday Nin lasheegay inuu ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacish uduubayay dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM