Soomaaliya: Yusuf Garaad oo ka hadlay dhaawacii Qadar gaysay Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya-Wasiirka arimaha dibada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku soo qorey in ka warqabaan dhibaatada laga soo sheegayo dadkii dhaawaca ahaa ee Dowlada Qadar gaysay wadanka Suudaan kuwasoo dayac badan laga soo sheegayo.

“Dad badan ayaa aniga iyo mas’uuliyiin kaleba la soo xiriiray, kuwaas oo walaac ka muujiyay xaaladda dhaawaca shalay iyo dorraad la geeyay dalka Sudan”.

Yusuf Garaad ayaa sheegey in dalkaas intooda badan cabashadooda la xaliyey iyadoo inta harteyna lagu gudo jira wax u qabashadooda ilaa maanta.

“Intii ila soo xiriirtay waxaan u sheegay in aan ka warqabno, kana shaqeyneyno sidii xal loogu heli lahaa”.

Wasiirka ayaa u mahad celiyey Danjiraha iyo Diblomaasiyiin Soomaliyeed ee Khartoum isaga oo dhinaca kale mahad u jeediyey danjiraha dalka Qadar oo isagu wadnkiisu dadkaan ku daadiyey dalka Suudaan.

“Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum. Mahadi ha ka gaarto. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa”.

Warsidaha GO ayaa habeen kii xalay baahiyey dhibaatada dadkaan ka haysata Isbitaalada magaalada Khartoum kadib markii dalka Qadar diyaarad uu kaga qaadey magalaada Muqdisho balse geeyey dalka Suudaan. Halkaan Ka Akhri 

Mas’uliyiinta Dowlada Federaalka oo baraha bulshada ku jawaabta ayaa weli hadal rasmiya kasoo saarin sababta dalka Qadar u geeyey dadkaan dhaawaca ah dalka Suudaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM