Sooyaalka ku xigeenka cusub ee ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay ku xigeenka cusub ee ergayga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Adam Abdelmoula oo Suudaan-Ameerikaan ah ayaa sidoo kale waxa uu noqonaya isu-duwaha UNSOM ee arrimaha degaanka iyo bini'aadanimada.

Diblumaasiga cusub ayaa wuxuu bedeli doonaa George Conway oo u dhashay waddanka Canada, kaasi oo sii haaye ahaa tan iyo bishii April sanadkan 2019.

Waa kuma Abdelmoula?

Mr. Abdelmoula ayaa wuxuu waayo aragnimo 13-sano u leeyahay arrimaha horumarka, amniga, sharciga iyo bini'aadanimada.

Waqti xaadirkan waxa uu yahay Agaasimaha Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Guddiga Sarre ee UN-ka u qaabilsan Xuquuqul Insaanka.

Laba soo bilaabo 2013-kii illaa iyo 2016-kii, wuxuu ahaa Agaasimaha Hay’addaha Barnaamijyadda Horumarinta [UNDP] ee waddanka Ciraaq.

Intii u dhaxeysay 2010-kii illaa iyo 2013-kii, wuxuu ahaa Isuduwaha Arrimaha Degaanka UN-ka u qaabilsan wadama Suuriya iyo Kuwait.

Bilowgii xirfadiisa, wuxuu ahaa Madaxa waaxda UNHCR ee Bariga Dhexe iyo Waqoyga Afrika, si lamid ah, shaqooyin kala duwan ayuu isla hay’addan uga soo qabtay Liberia, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Mr. Abdelmoula ayaa waxa uu shahaada Bachelor-ka uu ka qaatay Shareecada Islaamka iyo Sharciga Dhaqanka oo uu ka bartay Jamaacadda Khartuum.

Ugu dambeyntii, isla shahaadahaasi ayaa sharciga caalamka laga qaatay Dugsiga Sarre ee Harvard, halka uu PhD-ga kaga diyaariyey Jamaacadda Georgetown.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM