SSC-Khaatumo & Somaliland oo ku dagaalamay G\Sool

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa ka soo baxaaya dagaal xoogan oo saaka dhaxmaray taliska Muuse Biixi iyo Ciidamada Maamulka SSC-Khaatumo, iyada oo la warinayo in uu sababay dagaalka.

Dagaalka ayaa gaar ahaan ka dhacay tuulada Buqdharkayn isagoo qaatay sacaado' waxayna labada dhinac ay is waydaarsadeen rasaas aad u culus oo meela fogna laga maqlaayay.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in Somaliland ay weerar ku soo qaaday Ciidamada SSC-Khaatumo oo horay ula wareegay tuuladaan, iyadoo weerar dhowr jiho ah ku soo qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku sii daraya in dagaalka sii xoogaysanaayo kaas oo ku faafay duleedka tuulada, waxaana aagaas laga maqlayaa rasaas aad u xogan.

Jawiga ayaa hada ah mid aad u cakiran mana jiro wax hadal ah oo ka so baxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo in kastoo la arkaayay muuqalo gosgos ah oo baraha bulashada la so galiyay.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa bilowday muddo sanad ka hor ah kaas oo ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac, burbur, iyo barakac, in kastoo maalmahaan ay daganayd xaalada gobalka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM