Su'aal laga keenay ismiidaaminta lagu beegsadey Macalimuu

Image
Afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta ayaa musharax u ah xubinimadda Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa su'aal ka keenay is-miidaamintii maanta lagu beegsadey afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa rumeysan in muhiim ay tahay in weerarkan lagu sameeyo baaritaan madax-banaan.

"Allaha u yasiro saaxiibkeen Macalimuu oo weerar argagixiso saakay lagu beegsaday, caafimaad degdeg ayaan Alle uga baryaynaa," ayuu Fiqi oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ku bilaabay hadalkiisa.

Sida laga soo xigtey Fiqi oo aan si gaar ah cid u magacaabin, waxaa muuqaneysa in uu jiro "shirqoolo lagu beegsanayo rugcadaaga iyo mas’uuliyiinta warbaahinta qaarkood si loo cabsi-geliyo".

"Waxaa muuqata shirqoolo lagu beegsanayo rugcadaaga iyo mas’uuliyiinta warbaahinta qaarkood, taasoo u eg mid abaabulan oo lagu cabsi-gelinayo ama lagu aamusinayo codka warbaahinta ka hortimid kalitalisnimada iyo barnaamijyadeeda," ayuu xusay.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan ku talinayaa in bahda warbaahinta iyo cid walbaba is ilaaliso intii tabar ah marxaladdaan kala guurka ah iyo inta amniga mas’uuliyadda dalka ay sheeganayaan kuwo aan ehel u ahayn ama mararka qaarkood u arkaya dadka ka aragtida duwan Farmaajo cadow!".

Dhankiisa, sharci-dejiye Mahad Maxamed Salaad oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in hubin lagu sameeyo sababta loo beegsanayo saaxiibadda Rooble.

"Saaxiibada Farmaajo cidina ma qarxiso ee kuwa Rooble maxaa loo beegsadaa mar walba. Soo uma muuqato mashruuc siyaasadeysan oo la maalgelinayo. Allaha caafiyo walaalkeen Mohamed Ibrahim Moalimuu Afhayeenka XFS," ayuu xusay.

Macalimuu oo la sheegay in dhaawaciisa lagu daaweynayo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho isla markaana lug ay ka jabtey nabarna uga yaalo xabadka wuxuu musharax cad-cad u ahaa xubinimadda Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM