Su'aallo ka dhashay sarkaal Masaari ah oo wehliyay ciidanka Soomaaliya

Image
Sarkaalkan ayaa lagu dhex-arkay wafdi uu horkacayay Taliye Sareeye Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadalheyn badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ka dhalatay sarkaal Masaari ah oo lagu dhex-arkay kolanyo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Soomaaliya, Sareeye Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin.

Muxiyadiin ayaa kormeeray Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ciidanka Xoogga Dalka ee laga hirgalinayo deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle.

Macluumaad kala duwan ayaa kasoo baxay sarkaalka Masaarida ee lagu dhex-arkay wafdigan. Wararka markii hore soo baxay waxa ay sheegayeen in uu la socday Taliye Muxiyadiin.

Hase ahaatee, markii dambe waxaa soo baxay in sarkaalkan uu la shaqeeyo Howlgalka ku meelgaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) kaasoo waajibaadkiisu yahay in mas'uuliyada ammaanka ku wareejyaan Soomaaliya.

Masar ayaan kamid ahayn wadamadda ciidamadda milatariga ah ay ka joogaan gudaha Soomaaliya tan iyo 2007-dii kuwaas oo kala ah; Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Uganda.

Hase ahaatee, xukuumadda Qaahira ayaa lagu waramay in tan iyo markii dib-u-doorashada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay quudareyneysay sidii ay joogitaan ciidan ugu lahaan lahayd gudaha dalka dhaca Geeska Afrika.

Qaahira ayaa la rumeysan yahay in ay ka baaraan-dageyso dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Addis Ababa taasoo ay isku-hayaan biyo-xireenka Nile kaasoo ay Itoobiya dooneyso in ay ka dhaliso koronto uuna maalgelinayo Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM