Sudan: Tabasho ka timid Soomaalida oo xal laga gaarey

Image
Tani ayaa ka dambeysay ka gedaal markii ay dedaalo bixisay dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaalida ku nool Suudaan ayaa laga dhaafay lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada, sida ay ku dhawaaqdey wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda laguna daabacay ciwaanka ay ku leedahay Facebook-ga ayaa lagu caddeeyay in wasaaradda ay talaabadan ay ka dhalatay dedaalo ay bixisay kadib cabasho soo gaartey.

Sida ku xusan bayaankan, Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor ayaa "ku yimid iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan".

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan, iyada oo ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada," ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Waxaa la raaciyey: "Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimi iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas".

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan," ayaa la raaciyey.

Dhanka kale, marka laga soo tago sheegashadda dowladda Soomaaliya, illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan qadiyadan oo illaa haatan kasoo baxay xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Khartuum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM