Swan oo difaacay shaqada Qaramada Midoobay kawado Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa wuxuu si adag u difaacay shaqada ay UN-ka ka wado Soomaaliya xilli ay jiraan sheegashooyin dhaleeceynaya.

Swan oo u waramay barnaamijka Talk to Al Jazeera ayaa ku adkeystay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ka howgaleysay waddanka ay gaartey guulo kala duwan oo waxtar leh.

Adkeynta nabada, dhismaha hay’adda dowliga, arrimaha bini'aadanimada iyo soo celinta kala dambeynta ayuu ku qeexay guulaha ay gaareen.

"Laakiin waxyaabo kale oo aaad loogu baahan yahay in la qabto ayaa jira," ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo u muuqda mid qiraya in uu gaab ka jiro dhanka ammaanka si gaar ah in aysan wali wiiqin Al-Shabaab.

Mar wax laga waydiiyey hadal horey uga soo yeeray mas'uul UN-ka ka tirsan kaasoo tibaaxay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku fashilmay xasilinta dalka, Swan ayaa xusay in uusan sidaas aaminsaneyn.

Diblumaasigan Ameerikaan ah ayay u tahay markii labaad oo dalkan dhaca Geeska Afrika uu ka howlgalo isaga oo markii koowaad ahaa safiirka Mareykanka, waxaana uu xilka UN-ka uu ka bedelay Nickolas Haysom.

Haysom ayaa Janaayo, 2019-kii waxaa eriday dowladda Soomaaliya markii lagu eedeeyay in ay faragelinta madax-banaanida. Eryidiisa waxay timid markii uu xukuumada waydiistay in ay sharaxdo dil ka dhacay Baydhabo.

Danjire Swan oo wax laga waydiiyey xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in uu meel wanaagsan taagan yahay.

"Xiriir wanaagsan ayaa nagala dhaxeeya mas'uuliyiinta federaalka. Sidoo kale waxaan cilaaqaad la leenahay jilayaasha kale ee muhiimka ah; laga soo bilaabo Ururada Bulshada Rayidka, u doodayaasha xuquuqda bini'aadamka iyo hogaamiyeyaasha maamulada. Xiriirka mas'uuliyiinta heer Qaran wuu wanaagsan yahay, haddana waxaan aaminsanahay in muhiim ay tahay in dedaaladeena ay kawada faa'iidaan dadka Soomaaliyeed," ayuu kusoo xiray.

Ugu dambeyntii, Swan ayaa carabka ku adkeeyay in lama maarmaan ay tahay in doorashadda soo aadan ay ku qabsoonto qaab wadar-ogol ah, isaga oo rajeeyay in hogaamiyeyaasha siyaasada isla meel-dhigi doonan arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM