Swan oo digniin kasoo saarey xaaladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa Isniintii wuxuu warbixin ka hor=jeediyey Golaha Ammaanka Jamciyada Quruma Ka Dhaxeysa.

Swan ayaa hadal-jeedintiisa ku qabsoomay qaab fogaan arag ah wuxuu diiradda ku saarey xaaladda guud ee Soomaaliya isaga oo si gaar ah u dul-istaagay is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal ee loo madlanaa 2020-21.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa golaha la wadaagay warbixin fahfaahsan oo ku saabsan qodobada la isku hayo iyo guuldarooyinka shirarkii u dambeeyay.

"Mowqifka Beesha Caalamka wuu cad yahay; waa in aysan jirin doorasho hal dhinac ah, geed-socod is-bar-bar socda, iyo go’aano hal dhinac ah," ayuu xusay.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ay martigelisay kuwaas oo ka dhashay kala aragti-duwanaanta siyaasadeed ayuu ka digay in ay wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dowlad dhiska iyo ammaanka guud.

Wakiilka ayaa ku nuux-nuux-saday ahmiyadda ay leedahay in mar kale ay wadda hadal isugu yimaadaan madaxda Soomaalida si loosii wado dedaalada lagu dhaqan-gelinayo heshiiska 17-kii September oo saddex qodob kasoo noqdeen.

Qodobadaas oo xudun u ah khilaafka haatan taagan ayaa kala ah; arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu culus la iskuna hayo in lasoo saaro ciidanka dowladda, qaabka loo xulayo wakiilada Somaliland iyo guddiyadda maamulaya coddeynta heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM