Sweden oo ku dhawaaqday waxa ay ka yeeli doonto qoysaska Daacish ee ku xiran Suuriya

Image
In ka badan 43,000 qof oo ka tirsanaa Daacish ayaa hadda ku xiran xerada Al-Hawl.

Stockholm (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu aanu dib u celin doonin qoysaska Kooxda Daacish kuwaas oo ku xiran xeryo ku yaalo waqooyi bari Suuriya.

Wasiir Tobias Billstrom ayaa warqad uu u diray wakaaladda wararka ee France-Press ku yiri, “Dowladdu kama shaqayn doonto sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta Swedish-ka ah ee ku jira xeryaha ama xarumaha lagu hayo ee waqooyi bari Suuriya”.

Waxa uu intaa ku daray, "Sweden wax sharci ah kama saarna in ay qaado tallaabo dadkaas lagu keenayo Sweden, tani waa go’aan u yaalla haweenka, carruurta iyo ragga ee halkaasi ku xiran hadii ay doonayaan inay dib u soo laabtaan."

In ka badan 43,000 qof oo ka tirsanaa Daacish ayaa hadda ku xiran xerada Al-Hawl oo ay maamulaan ciidamada Suuriya.

Maxaabiistan ayaa loo qeybiyay dad u kala dhashay Suuriya, Ciraaqi iyo Ajaanib ka kala yimid 45 wadan oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan qoysaska kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM