Taakeeye iyo Kooxdiisa oo xukuno kala duwan lagu riday

Image
Taakeeye ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa maanta xukun ka soo saartay Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), iyada oo ku xukuntay 2 Sano oo il ku hayn ah.

Sufyaan ayaa lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikrado liddi ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023.

Waxaa sidoo xukun lagu riday Sarkaal dhanka Online-ka kaga biiray kooxda Taakeeye laguna magacaano Dable Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Yaasiin ayaa la sheegay inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, waxaana laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere) oo isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM