Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxuu ku dhashay magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay 1957, waana 61 jir xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii dalka soo maray.

2014, waxa uu kasoo qalin jebiyay Jaamacad ku taalla dalka Yemen

2009-2011 Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta

2009 - 2011 xubin katirsan Baarlamaankii 9aad ee dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif.

2012 -2015, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

2016 waxa uu kamid noqday Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ayuu kasoo noqday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

April 30, 2018, waxaa loo doortay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isago bedelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo xilkan iska casilay bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM