Tababar loosoo xiray ciidan sugaya amniga doorashada

Image
Image
Image
Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka waxay kormeer ku sameeyeen goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashadu.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno ka mida Guddiyada Doorashooyinka Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) iyo Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta booqday xarunta hawlgaladda Amniga Doorashooyinka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, halkaa oo ay tababar ugu soo xireen saraakiil iyo ciidamo loo tababaray sugidda  xarunta Amniga  howlgalka Doorashada.

Munaasabada xiritaanka waxaa ka qeyb galay maamulka Gobolka Mudug, Duqa Degmadda Gaalkacyo ku xigeenkiisa, iyo Taliyayaasha laamaha Amniga ee Degmada Gaalkacyo.

Munaasabadaa ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ciidanka iyo saraakiisha loo tababaray maamulka iyo gacan ku haynta xarunta amniga Doorashooyinka magaaladda Gaalkacyo.

Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka waxay kormeer ku sameeyeen goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM