Tababarka ciidamadda Soomaaliya oo shir laga yeeshay

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa Dugsiga Tawabarka Dowlada Ingiriiska ee Ciidanka Xooga Dalka kula kulmay, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska, James Duddridge.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo James Duddridge waxaa kulanka ku wehliyey mas'uuliyiin kale oo ka tirsan labadda dhinac kuwaasoo ay kamid yihiin wasiiro.

Ben Fender, danjiraha boqortooyadda UK u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa kulankaan ka dhacay xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

"Kulanka waxaa looga hadlay dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka ka dib Madaxweynaha oo ay Wehliyaan wehlinayey Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta,Arimaha Gudaha iyo Agaasime ku Xigeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo Madaxda Dowlada Ingiriiska ayaa Kormeerey Ciidanka Tawabarka uga Socday Xarunta".

Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taakuleeya arrimaha la dagaalanka argagixisadda, dhismaha dowladnimadda iyo tayeynta ciidamadda.

James Duddridge ayaa waddanka wuxuu u yimid ka qeybgalka shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka kaasoo Isniintii ku qabsoomay Muqdisho halkaasoo uu kaga hadlay arrimo doorashooyinka kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM