Tabinta saxaafada caalamka ee dhamaadka xilheynta Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu kusoo gabagaboobay iyadda oo heshiis siyaasadeed aan laga gaarin doorashooyinka soo aadan iyo qaabka waddanka uga baxayo mar-xalad kala gaaro, waana bar madow oo taariikhdiisa siyaasadeed u gashay.

Warbaahinta caalamka gaar ahaan wakaaladaha wararka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa durba waxay bilaabeen in ay ka faaloodaan mar-xalada Soomaaliya ay gashay iyo cawaaqibka ka dhalan kara xaaladan.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheekada ay ka diyaarisay qadiyadan ciwaan uga digtay "Mucaaradka Soomaaliya oo joojiyey in ay aqoonsadaan madaxweynaha xilli is-mari-aaga doorashada uu sii cuslaadey.

"Firaaqan awoodeed iyo kala qeybsanaanta hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxay fursad u tahay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee A-Shabaab, sidda uu ka digay falanqeeye siyaasadeed, kaasoo cuskaday weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaano nabdoon oo dalka kamid ah," ayay warisay.

Fursadii ugu dambeysay ee looga baaqsan karay firaaqan dastuuriga ah ayaa ahayd wadahadaladii Dhuusamareeb 4, halkaas oo ay ku shireen madaxda maamulada iyo dowladda federaalka balse aanu miradhalin.

Rasaas sagootin ah

Reuters ayaa askari ka tirsan ciidamadda dowladda oo lagu magacaabo Aadan Cali waxay kasoo xigatay "Waxaan xabadaha kor ugu tuurayaa in aan ku sagootiyo kalitaliye Farmaajo kaas oo gubay Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay. Askariga wuxuu adeegsaday naaneysta madaxweynaha.

Rasaasta oo teel-teel ahayd ayaa xalay saq-dhexe laga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda Muqdisho kadib markii uu dhamaadey muddo xileedka dastuuriga ah ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta oo ah in aysan aqoonsaneyn Farmaajo.

Mareegga Infobae.com oo kasoo baxa dalka Spain oo sheekadiisa ciwaan uga dhigay "Mucaaradka Soomaaliya oo madaxweynaha u aqoonsaday mid waqtigiisu dhamaadey" ayaa daabacay in xaalada hubanti la’aanta ah ee waddanku galay ay wiiqeyso xasiloonida iyo ammaanka waddanka.

Telefishinka Al Carabiya ee fadhigiisu yahay Imaaraadka Carabta ayaa bartiisa ee mareegaha Twitter-ka wuxuu ku qoray: "Hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya waxay sheegeen in aysan aqoonsaneyn madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed".

Wakaaladda wararka EFE ee kasoo baxda Spain oo qormadeeda ciwaan uga digtay "Soomaaliya, muddo xileedkii wuu dhamaadey, mana jiro heshiis lagu qabanayo doorashooyinka" ayaa qirtay in hadii madaxda Soomaalida heshiis ku gaari lahaayeen Dhuusamareeb ay xaalada sidaan ka duwanaan lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM