Tafaasiil laga bixiyey kulankii Qoor-qoor iyo wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Qaar kamid ah wakiiladda Beesha Caalamka u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin ku saabsan wada-xaajoodyo dhexmaray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo diblumaasiyiinta.

"Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka DGG".

"Intaa kaddib Wefdiga ayaa loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda GM. Halkaas oo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha; Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga DF iyo DX," ayay raaciyeen.

Dhanka kale, qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in wadahadalkooda ay diirada ku saareen qodobada hortabinta u leh qaranka waqti xaadirka.

"Wakiilada Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo tegay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa madaxweyne Qoor-qoor ku bogaadiyey doorkiisa hogaamintiisa ee wadahadaladii u dambeeyay ee doorashooyinka, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lasii wado iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Socdaalka danjireyaasha ayaa u muuqda mid qayb ka ah safar ay ku marayaan xarumaha maamulada maadaama todobaadkii hore ay ka dageen caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM