Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya

Image
Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa sanad walba la xiraa iyagoo isku dayay inay si sharci darro ah ku galaan Yurub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kow iyo toban qof oo tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya ayaa Isniintii shalay waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ka mid tahay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Muhaajiriinta, Danjire Maryan Yaasiin Haggi Yuusuf, ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Xukuumadda federaalka ayaa ku guuleysatay in dhalinyaradan laga soo daayo xabsiyo ay kula kulmayeen dhibaatooyin isugu jira jirdil iyo bahdil ay u geysan jireen maafiyo dadka tahriibiya.

Ergeyga oo warbaahinta la hadashay ayaa ku nuux nuuxsatay doorka muuqda ee safaarada Soomaaliya ee Tripoli ay ka qaadatay dib u soo celinta dhalinyarada.

Markii ay dib ugu soo laabteen dalka Soomaaliya ayaa dadkii soo laabtay waxa ay muujiyeen farxad iyo mahadcelin, iyagoo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dib u soo celintooda.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa sanad walba la xiraa iyagoo isku dayay inay si sharci darro ah ku galaan Yurub. Liibiya waa marinka ugu weyn ee dhalinyarada ay adeegsadaan

Liibiya ayaa kamid ah meelaha ugu qatarta badan ee ay Soomaalida ku nool yihiin, kuwaasi oo laga qaato lacago madax furasho ah; mararka qaarna ku bixiya lacago kumanaan dollar ah.

Sannadihii u dambeeyay tahriibka Liibiya ayaa sii yaraanayay. Bishii Disembar 2022, ugu yaraan 97 tahriibayaal Soomaali ah oo lagu hayay xeryo ku yaal Liibiya ayaa dib loogu celiyay Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa xaqiijisay sii deynta 97 muwaadiniinteeda ah oo ay ku jiraan shan haween ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM