Talaabooyin loo qaadeyo riyada dib u doorashada Farmaajo oo la odorasay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladii loo qabtay furitaanka waddooyinka Muqdisho ayaa sawirtay in kooxda ololaha Farmaajo qaadi karaan talaabooyin kale oo ay sumcad ugu yeelanayaan madaxweynaha, sidda uu shaaciyey siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisibi siyaasadeedka Wadajir oo si maldahan ugu digtay munaasabada loo qabtay khafiifinta xayiraada isu socodka caasimadda ayaa xusay in dadka aan la marin-habaabin kairn.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa saadaaliyey in maalmaha soo aadna lasoo bandhigi doono qof la siinayo 100-kun oo Doolar lana sheegayo in uu xog qarax keenay.

Qodobkaan ayaa kamid ah balanqaadyadii aan wali fulin ee Farmaajo ku sameeyay ololihiisa doorashadii qabsoontay sanadka 2016-ii.

Al-Shabaab oo looga adkaado muddo laba sano ah, qabyo tirka dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah ayaa kamid ah yaboohyadda.

Sidda laga soo xigtay Warsame oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Farmaajo, Villa Soomaaliya maahan in ay waqtiga isaga lumiso arrintan.

"Saaxiibkeey ayaa wax iga waydiiyey dhagxaanta waddooyinka laga qaadayo. Waxaan ku iri, madaxweynaha wuxuu rabaa in uu fuliyo ballanqaadkii ololahiisa doorashada ee 4 sano ka hor ahaa. Oo muxuu ahaa ballanqaadkaas maba xasuustee ayuu i yiri? Waxaan ku iri, in jidadka xiran la furo, qofkii soo sheega qaraxna boqol kun oo doolar la siiyo, nabaddoonna uu noqdo," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan iri waxaan sugnaa maalmaha soo socda waa abaal marin loo bixiyo $100k, lana siinayo dad la oranayo xog qarax ayey soo sheegeen iyo odayaal dhaqan oo oranaya madaxweynaha waa nabaddoon".

"Wuxuu i waydiiyey oo sidee shacabka loogu abaal sheeganayaa in laga qaaday dhagxaan intooda badan 4tii sano ee xukunkiisa waddooyinka la dhigay?," ayuu raaciyey qoraalka oo ay ka falceliyeen boqolaal shacab kala duwan.

Siyaasiga ayaa qoraalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ku iri, madaxweynaha iyo kooxdiisa ololaha doorashada waxay isku sheegeen in ay shacabka siri karaan, caqliga dadwaynaha ku xad-gudbi karaan. Wuxuu i waydiiyey wixii uu Madaxweynaha bi’iyey maxaa laga yeelayaa? Waxaan ku iri, Raysalwasaarihii xilka laga tuuray ayaa eeddaas dusha loo saarayaa".

Istaraatijiyadii ololaha doorashada Farmaajo ee sanadkii 2016-kii ayaa ku saleysaneyd Itoobiyaan diidnimo iyo xeelado kale oo indha-sarcaad ah, sidda uu Warsame tibaaxay, balse kalkan waxaa la dhowrayaa qorsha ay lasoo shir-tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM