AMISOM oo shaacisay khasaaraha qarax lala eegtay ciidamadooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe, koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sida VOA-da ay u sheegeen dad degaanka ku sugan.

Qaraxyada ayaa lala eegtay askarta howlgalka nabad-illaalinta ah ee Midowga Afrika kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin deegaankaas.

Sida wararku ay sheegayaan qaraxa koowaad ayaa geystey qasaare kooban halka markii ciidamo kale oo u soo gurmaday askartii wax ku noqotay qaraxa koowaad ay la kulmeen qarax labaad.

Saraakiisha ayaa u sheegay Garowe Online in saddex askari ay waxyeello kasoo gaadhay qaraxa labaad, hase yeeshee taliska AMISOM VOA-da uu sheegay inay ka dhaawacmeen laba.

Dhinaca kalena, illo wareedyo ayaa mareega GO khadka telefoonka waxay ugu sheegeen in rasaas ay fureen ciidamada AMISOM uu ku dhintay qof rayid ah.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah, inkasta oo aysan wali wax war ah kasoo saarin weerarka gaadmadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM