Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo digniin "culus" soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Isniinta maanta ah digniin kasoo saarey roobab "mahiigaan ah" oo la filayo in ay da'aan.

Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, roobab ka da'ay todobaadkii hore ayaa galaaftay nolosha laba ruux oo dad waa weyn ah.

Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in laba ruux ay geeriyoodeen ka gedaal markii ay qaadeen daad ka dhashay roobka oo aad u weynaa.

Sidda ay shaacisay dowladda, waxaa sidoo kale ka dhashay burbur soo gaarey waddooyinka iyo hoy ay deganaayeen dad shacab ah.

Sakiya Xusee, taliye ku xigeenka ciidamadda booliska, ayaa shaaciay in "la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska".

Qoraal ay baraha bulshadda ku baahisay ayaa waxay ku waanisay muwaadiniinta in ay lasoo xiriiraan hay’addaha ku shaqadda leh.

Hoos ka akhriso qoraalka

Wargelin

Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska.

Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag iyagoo wacaaya number 991.


Dhinaca kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu dhaliilayaa in uusan jirin qorshe cad oo uga degan dib u dayactirka waddooyinka burburay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM