Taliyaashii ciidamada Nabad Sugidda, Booliiska iyo Milatariga oo xilkii laga qaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka qaadis ku sameeyay saddexda mas’uul ee ugu sareeya ciidamada qalabka sida, sirdoonka, Booliiska iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Wareegta kasoo baxday Villa Somalia, ayaa xilkii looga xayuubiyay taliyihiin Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Cabdulqaadir Gaafow Maxamud, Taliyihiin ciidanka Milatariga Maxamed Aadan Buud, Taliyihiin ciidanka Booliiska Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo abaanduulihii ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Baashi.

Mas’uuliyiintaas ayaa lagu badalay Afar nin oo ku jiro Safiirkii dowladda Somalia u fadhiyay dalka Ingiriiska.

Farmaajo, ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia u magacaabay, Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo booskan soo qabtay sannadkii 2011.

Taliyaha Booliiska ayaa laga dhigay, Cabdixakiim Daahir Saciid, halka taliyaha ciidanka Sirdoonka iyo nabad-sugidda loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo iminka katirsan Barlamanka dowladda Federaalka Somalia.

Abaanduulah ciidanka xoogga dalka Somalia, ayaa loo magacaabay Jeneral. Cabdullaahi Cali Caanood, waxaana laga qaaday Cali Baashe.

Waa xil ka qaadistii ugu weynayd ee uu sameeyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana tallaabadan oo kale qaaday sannadkii 2011 Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Arrintan ayaa timid xilli Madaxda cusub ay ballan qaadeen inay wax ka qaban doonaan ammaanka islamarkaana kooxda Al Shabaab ka sifeyn doonaan guud ahaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM