Taliyaha AMISOM oo socdaal aan lasii shaacin ku tegay Jubaland

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jeneraal Tigabu Yilma, ayaa Jimcadii socdaal lama filaan ah ku tegay magaalada Dhoobley ee ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Fariisinka askarta shisheeye ee Dhoobley oo hoostagta dowlad goboleedka Jubaland waxaa mas'uul ka ah ciidamo Kenyan ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya ayaa safarka sarkaalkan Itoobiyaanka ah ku tilmaamay mid uu ugu kuur-galay xaalka cutubyadda.

Yilma oo kulan is-xog-wareysi ah la qaatay saraakiisha Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay kawada xaajoodeen howlgaladii ugu dambeeyay iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidda ku xusan bayaanka, Yilma ayaa yiri "Waxaan u imid in aan idin hubiyo iyo in aan indhaheyga ku arko shaqada wanaagsan oo aad u qabaneysaa Soomaaliya iyo AMISOM".

"Cadowga [Shabaab] wuxuu luminayaa fariisimo balse waxaan u baahan nahay in aan joogteyno cadaadiska si guud ahaan dalka loo xasiliyo looguna wareejiyo Soomaalida," ayuu ku daray.

Inkasta oo muddo kordhin hal sano ah loo sameeyay, AMISOM ayaa qorshuhu yahay in ay dalka ka baxaan 2020-21 kadib doorashooyinka aan wali lagu  heshiin nidaamka lagu galayo.

Dhoobley, oo marin muhiim ah u ah marka laga yimaado Kismaayo laguna sii jeedo magaalada sohdinta Kenya dhacda ee Liboi taasoo gaabiga ku haysa xerada Dabaab, ayaa 729 KM u jirta Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM