Taliyaha Booliiska oo bixiyay amar gilgilay saraakiisha ciidanka

Image
Hadalka taliyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli uu meel daran marayo kacdoonka shacabka gaar ahaan Bajaajleyda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee booliiska Sulub Axmed Firin ayaa goob isugu keenay inta badan madaxda ciidanka iyo saraakiisha kala duwan, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir, wuxuuna u jeediyay khudbad uu kula wadaagayay awaamiir.

Sulub ayaa si qotodheer uga hadlay dilalka askarta booliiska ay u geystaan shacabka, isaga oo marka horeba is dultaagay in ka sokow in waajibka ciidanka yahay illaalinta naftooda, uu sidoo kale waajib culus ka saaranyahay illaalinta sharafta muwaadhinka.

“Xilligii hore booliiska hub ma wadan jirin, waxay haysan jireen garuun iyo birta jeebada, hadda waxaan ognahay duruufta qoryaha u dhiibtay ciidanka, iyada oo qofka muwaadhinka ah aragtida qorigaasi ka naxayo marka horeba, ma ahan haddane in isla qorigii lagu dilo muwaadhinka," ayuu yiri.

Waxa kale uu wax lala yaabo ku tilmaamay in askariga isaga oo gaadiidka bajaajta ah cagta kaga dhufan kara xabadda uu doorto in uu madaxa kaga dhufto darawalka.

Taliyaha u sheegay in uu soo baxay amar sheegaya in haddii askari fal geysto ay waajib tahay in askariga shaqada kula jira uu markiiba qabto, oo aanan laga dhagaysan doonin "wuu baxsaday askarigii falka geystay".

Waxa uu intaasi ku daray taliyaha in saraakiisha maamusha ciidanka ay mas’uul ka yihiin dhibka ay gaystaan askarta ay xukumaan, waajibna ku tahay in ay kordhiyaan la xisaabtanka askartooda.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli uu meel daran marayo kacdoonka shacabka, gaar ahaan dhallinyarada bajaajta ku shaqaysata oo quus ka taagan dilalka tiro beelka ah ee askarta dowladda geystaan iyadda oo sababta ay tahay laaluush ciidanka rabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM