Taliyaha booliska Banaadir oo ka badbaadey isku day dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka badbaadey isku-day la doonayey in lagu khaarijiyo kadib markii lagu qarxiyey caasimadda Muqdisho.

Hal illo wareed ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhacay degmadda Hodan gaar ahaan meel ku dhow isgoyska Banaadir ee magaala madaxda Soomaaliya.

Farxaan, oo horey u soo noqdey taliyaha ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa haatan "caafimaad qaba," sida uu u sheegay qaar kamid ah saaxiibadii oo khadka telefoonka kula hadlay.

"Taliyaha waxaa la beegsaday isaga oo maraya nawaaxiga isbitaal Madiina ee ku dhow isgoyska Banaadir. Khasaaraha wali ma cadda, balse waxyeelo ay jirtaa - geeri iyo dhaawac," ayuu ku daray.

Illaa haatan ma cadda nooca qaraxa. Balse, wakaalada wararka qaranka ee SONNA ayaa warisay in loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qaraxa kaasoo naftii-halige uu beegsaday kolanyadda taliyaha.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen weerarka, halka ku dhowaad 10 kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ismiidaamintan, sida ay xaqiijiyeen kooxaha gargaarka.

Maleyshiyada Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii lala beegsadey taliyaha booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa tibaaxdey in ay ku dishay afar askari oo kamid ahaa ilaaladiisa isla markaana uu isaga "si dirqi ah uga badbaadey".

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa xaqijiyey in naftii-halige uu fuliyey weerarka. Hase ahaatee, waxay ka gaabsadeen in ay shaaciyeen magaca is-qarxiyaha.

Qaroole oo horey uga mid ahaa maleyshiyada gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa taliyaha booliska gobolka Banaadir loo dalacsiiyey 12, April, 2021 markii Saadaq Joon uu ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Ciidamaddii uu horkacayey Qaroole ee Haramcad ayaa 19-kii Febraayo, 2021 waxay ku lug-yeesheen isku day la doonayey in lagu dilo musharaxiin horkaceysay banaanbax nabadeed oo lagu diidayay ku darsiga xiisada sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM