Taliyaha Ciidamada Xoogga & Saraakiisha ATMIS oo ka wada hadlay dagaalka ‘AS’

Image
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay wali socoto qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS.

Muqdisho, Soomaaliya - Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada ATMIS, iyaga oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AS.

Intii uu socday kulanka ayaa saraakiisha labada ciidan waxa ay uga wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqeynta labada dhinac si looga adkaado kooxaha argagaxisada ah.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa saraakiisha ATMIS u sheegay in ay dib u bilaabi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda AS, isagoo ka codsaday saraakiisha ATMIS in ay ciidamada ku garab istaagaan dagaalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay wali socodo qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee lagu wado in mas’uuliyada amniga ay ku wareejiyaan Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda ayaa la qorsheeyay in ay si buuxda ula wareegaaan amaanka dalka dhamaadkii sanadkan, iyada oo aan wali la soo gebagabeyn wajiga 1-aad ee howlgalka ka dhanka AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya ku hogaaminayo burbur iyo kala-qeybsanaan 

Warqadda uu soo saaray ayaa si cad uga digtay khataraha soo wajahayso dalka, gaar ahaan daciifnimada midnimada qaran.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 06:28AM

Siyaasiyiinta Mucaaradka Soomaaliya oo Shir Ka Bilaabay Muqdisho – Maxaa Laga Filayaa?

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in shirka diiradda lagu saarayo ka jawaabista qorshaha…

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 08:27PM