Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray saldhig ay dhawaan kala wareegeen ATMIS

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Dhulka G/ Sare Dayax Cabdi Cabddulle ayaa dhawaan gaaray deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellaha Dhaxe, halkaas oo ku yaalo saldhig ay ATMIS ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa wehlinayay tiro saraakiil ah oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee hay’adaha amniga dalka. Kolka ay halkaasi gaareen ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Biyacadde.

Ujeedka koowaad ee socdaalkan ayaa ah in la dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah kooxda AS. Iyadoo la xoojinayo isku-xirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Ciidanka Qaranka iyo Ciidammada Millateriga, waxay mas’uuliyiintani uga gol-leeyihiin kor-u-qaadista waxtarka iyo hufnaanta hawl-galka.

Howlagllo lagu baacsanayo xoogaga AS ayaa waayahan dambe laga fulinayay gobolka Shabeellaha dhaxe, ciidamada ATMIS ayaa shalay duqeymo ka fuliyay goobaha ay ugu dhuumaaleysanayaan kooxda keymaha ku yaalla aagaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM