Taliyaha ciidanka lugta oo ka badbaadey isku day dil

Image
Taliyaha ciidanka dhulka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi. [Photo: SNA Radio]

MUQDISHO, Soomaaliya - Malayshiyada Al-Shabaab ayaa Sabtida maanta ah shaaca ka dhigay in ay ka dambeeyeen qarax miino halkaasi ka dhacay degaanka Hareeridheere oo dhowaan laga sararay.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah, qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Taliyaha iyo gaadiidkiisu ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka.

Ugu yaraan 5 askari ayaa, sida ay sheegeen saraakiisha, ayaa ku dhintay weerarka tirro kalana waa ay dhawacmeen. Dhaawacyadda waxaa loo qaadey xarumaha caafimaadka si loo daaweeyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka oo ku sugan degaanka Qeycad oo xaqiijiyey in dadka ku naf-waayey ay kamid yihiin xubno firfircoonaa ayaa laga soo xigtay in Jeneraal Biixi uu caafimaad qabo.

Jeneraal Biixi oo wali aanan ka hadlin isku dayga la doonayey in lagu khaarijiyo ayaa maalmahan waday kormeero lagu xaqijinayo amniga goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Howlgaladan lagu xoreeyay degaanadaas ayaa waxaa looga dan-leeyahay in lagu xaqiijiyo nabad-gelyadda kahor doorashooyinka Xildhibaanada baarlamaanka 11aad ee lagu waddo in ay dhowaan dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM