Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliya oo Su'aallo la waydiiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga difaaca Aqalka hoose, ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Xuseen Carab Ciise, oo ah gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Gorod uu ku saabsanaa Xog-wareysi xaaladda amniga dalka.

Wuxuu tilmaamay in waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay kala hadleen Taliyaha ay kamid ahaayeen dib u habeynta ciidamada, tira-koobkooda, jiheyntooda ee ku aadan duulaanka lagu qaadayo Al Shabaab.

Kulanka uu Gudiga Difaaca la yeeshay maanta wuxuu qeyb ka ahaa kulamo ay mudooyinkii dambe la qaadanayeen Madaxda hay'adaha amniga dalka, AMISOM iyo wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow.

Xuseen Carab Ciise, gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka JFS

Xuseen Carab Ciise, oo horey usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif uu Madaxweynaha ka ahaa, ayaa sheegay inay sii wadayaan kulamada noocan ah.

Baaritaanka ay wadaan hadda wuxuu balan-qaadey inay natiijadiisa ay dib uga soo gudbin doonaan shacabka, iyagoo qorsheynaya in ay wasiirka amniga ugu yeeri doonaan Gollaha shacabka dhawaan.

Kulamada waxay kusoo beegmayaan xilli dowladda Federaalka iyo dowlada goboleedyada xubnaha ka ah ay ku gaareen shirkii Muqdisho heshiis ah in meel looga sii wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo in laga wada shaqeeyo amniga soo celintiisa. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM