Taliyaha NISA oo ku hungoobay isku day uu rabay in uu kula kulamo Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa isku dayey in uu madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kula kulmo hoyga uu ka degan yahay caasimada Muqdisho.

Sidda uu ogaadey Garowe Online, isku daygaas ayaa fashilmay kadib markii xafiiska Deni uu ku wargeliyey Yaasiin in aysan jirin balan horey u dhexmartay labadooda oo ah in uu arko madaxweynaha.

Madaxa hay'adda NISA ayaa horey siyaabo kala duwan oo qarsoodi ah wuxuu ula shiray hogaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, iyo madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay gacanta midig ee Farmaajo in uu si baaxad weyn ugu dhex-milmay siyaasadda waddanka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa magaala madaxda u jooga wadahadalada arrimaha doorashooinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21.

Fahad Yaasiin ayaa ah shaqsiga ugu tunka weyn dowladda haatan waqtiga kasii dhamaanayo, wuxuuna gaaraa go'aanka ugu dambeeya, waana ninka Qadar kasoo qaadey maalgelinta ololihii Farmaajo 2017-kii.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la kulanka Farmaajo waxay shuruud uga dhigeen in ciidamada dowlada laga soo saaro gobolka Gedo iyo in shirka ay kusoo biiraan madaxda maamuladda kale.

Dhaqdhaqaaqyada uu Fahad Yaasiin Daahir waddo ayaa salka ku haya sidii uu u kala dhan-taali lahaa shuruudahaas oo culeyska ku kordhiyey Villa Soomaaliya oo horey loogu dheganaa in aysan wali soo magacaabin ra'iisul wasaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM