Taliyaha NISA oo la kulmay Ergayga QM Meachel Keating

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA] Xuseen Cismaan Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Keating iyo Taliye Xuseen ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah, oo ugu horeeyo sugida amniga magaalada Muqdisho, oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dad badan lagu dilay.

Ergayga QM ayaa sheegay in muhiim ay tahay soo celinta iyo adkaynta amaanka Caasimadda, maadaama ay tahay xaruntii laga maamulayay dalka, islamarkaana ay fariisin u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Michael Keating ayaa balan-qaaday in saaxiibada Beesha caalamka ay diyaar u yihiin in NISA ay kala shaqeeyaan, islamarkaana ay gacan ka siiyaan dedaallada lagu adkaynayo amniga Muqdisho, loogana hortagayo weerarada Kooxda Al Shabaab.

Dhankiisa, Taliyaha NISA ayaa ka mahadceliyay qalan-qaadka Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, isagoo sheegay in kaalmada beesha caalamka ay muhiim u tahay xilligan nabad kusoo celinta dalka, oo mudo dheer colaado ay ladegeen.

Xuseen Cismaan oo la magacaabay bishii lasoo dhaafay ayaa ah shaqsi aan khibrad iyo aqoon u lahayn arrimaha dhanka amniga ayaa loo dhiibay hogaanka Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya, oo ah unuga ugu muhiimsan dhanka amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM