Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shaqo joojin lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kadib wareegto uu soo saarey Taliyaha Guud.

Digreetadda kasoo baxday Taliyaha ayaa lagu sheegay in shaqo joojinta Jeneraal Maxamed Cumar Xirsiile ay la xiriirto kiis lagu eedeeyay.

Warqadda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo "dhacdadaas".

Dhacdada loo haysto Xirsiile ayaa ah maxbuus-xanuunsan oo dhintay, taasoo ay cabasho ay ka muujiyeen qoyska marxuumka.

Qoyska ayaa sheegay in Xirsiile uu marxuumku si xoog ah uga soo saarey Isbitaal ay geeyeen. Wararka waxay sheegayaan in 40-daqiiqo kadib markii Isbitaalka laga soo saarey uu dhintay.

Xogta laga helay illo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeysaa in maxbuuska uu ku dhex-dhintay Isbitaalka Martiina ee dowladda ay maamusho.

Jeneraal Xirsiile oo kahor shaqo joojinta beeniyey eedeyntaas ayaa xusay "si qaldan" loo dhigay "naxariis uu u sameeyay maxbuuska dhintay".

Maxbuuska oo 16-kii December, 2019 geeriyooday ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow. Sidda laga soo xigtay saraakiisha, Calasow wuxuu ku xukumanaa 8 sano oo xabsi ah.

Gabagabadii, warka kasoo baxay Taliska, ayaa lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaasoo baaraya kiiskan, wallow aanan lagu caddeyn in xabsi loo taxaabay Xirsiile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM