Taliye Ciidan oo lagu dilay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Caawa lagu dilay Xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in Koox bastoolado ku hubaysan ay Xaafadda Maclin Nuur ee degmada Dharkeenlay ku dileen Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Ciise.

Maxamed ayaa lagu toogtay meel ku dhaw Hoygiisa kadib markii jidka u galeen labo dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubaysan, kuwaasi oo isaga ku daba jiray markii uu shaqadiisa kasoo laabanayay, sida ay sheegeen Saraakisha Booliska degmada.

Kooxda dilka fulisay oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa goobta isaga baxsatay, iyadoo sida caadada ah ay soo gaareen Ciidamada dowladda oo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.

Waa dilkii labaad oo tan iyo xalay ka dhaca isla Xaafadda Maclin Nuur ee caawa lagu dilay Sarkaalka Militeriga dowladda Federaalka Soomaaliya kamid ahaa, waxaana falkan uu qeyb ka yahay dilal kusoo kordhayay mudooyinkii dambe magaalada.

Xalay fiidkii Askari katirsanaa Ciidamada Xasilinta iyo qof shacab ah ayaa lagu dilay Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana loo qabtey falkaasi dhowr qof oo laga shakiyay. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM