Taliye cusub oo loo magacaabay Nabad Sugida Gobolka Banaadir

Image

MUQDISHU, Somalia - Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka looga qaadey Talihii ciidanka Nabad Sugida "NISA" ee gobolka Banaadir.

Waxaa xilka si rasmi ah looga qaadey Maxamed Xasan Faarax (Faran-far), oo ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, iyadoo lagu badalay Taliye Cusub oo lagu magacaabo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Saadaq Joon ayaa horey usoo noqday Taliyaha ciidamada NISA ee maamulka Galmudug, waxaana magacaabista lagu soo beegay xilli dhawaan uu maamul cusub la wareegay gobolka Banaadir.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 6-dii Bishii April Xilalka ka qaaday Taliyaashii Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, waxaana uu Magacaabay Taliyaal Cusub.

Waxaa socdo qorshe cusub oo Taliyaasha Booliska iyo NISA lagu hoos-geynayo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhanka amniga Caasumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM