Taliye cusub oo loo magacaabay Nabad Sugida Gobolka Banaadir

Image

MUQDISHU, Somalia - Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka looga qaadey Talihii ciidanka Nabad Sugida "NISA" ee gobolka Banaadir.

Waxaa xilka si rasmi ah looga qaadey Maxamed Xasan Faarax (Faran-far), oo ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, iyadoo lagu badalay Taliye Cusub oo lagu magacaabo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Saadaq Joon ayaa horey usoo noqday Taliyaha ciidamada NISA ee maamulka Galmudug, waxaana magacaabista lagu soo beegay xilli dhawaan uu maamul cusub la wareegay gobolka Banaadir.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 6-dii Bishii April Xilalka ka qaaday Taliyaashii Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, waxaana uu Magacaabay Taliyaal Cusub.

Waxaa socdo qorshe cusub oo Taliyaasha Booliska iyo NISA lagu hoos-geynayo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhanka amniga Caasumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM