Taliye iyo askar ilaalo u ahayd oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya

Image
Falkan ayaa ka dhacay Qoryooley oo 120-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta lagu dilay taliyihii ciidamada dadka degaanka iyo labo askari oo ilaalo u ahaa.

Cismaan Cali Jiis oo ahaa taliyaha ayaa lagu toogtay gudaha magaalada, balse ma cadda xogta dhabta ah ee ka dambeysay weerarka.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka oo ku aadan falkaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilkaasi.

Arintan u danbeysey ayaa kusoo beegmeysa xili dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil ay ka dhacayeen magaalada hodanka ku ah beeraleyda, kuwaasi oo horey mas’uuliyiinta deegaanka ay ku xaliyeen heshiis dhex dhexaadin ah oo dhex maray dhinacyadii dagaalamay.

Qoryooley oo 120-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib ugala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya Al-shabaab sannadkii 2014-kii, kaddib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa weli ku sugan magaalada, iyagoo ciidamada deegaanka ka caawinaya dhanka ammaanka iyo ilaalinta gacan ku haynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM