Taliye ka tirsan NISA oo lala beegsaday qarax miino

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayaa kamid ah mas'uuliyiin ku dhaawacmay qarax miino.

Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar, ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay waxyeeladda soo gaartey.

Weerar ayaa lagu waramay in lala beegsaday gaari kolanyo ay saarnaayeen, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka oo u waramay warbaahinta maxaliga ah.

Al-Shabaab oo joogitaan badan ku leh aaggaas ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan. Balse, illaa haatan ma jirto sheegasho rasmi ah oo ka timid kooxda.

"Dhaawacyadda waxaa loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Sidoo kale, waxaa kamid ah dhaawacyo ay xaaladoodu aad u liidato," ayuu yiri sarkaal.

Sarkaalka oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn la hadalka warbaahinta ayaa intaas wuxuu ku daray in ay jiraan askar ay xaaladoodu aad u liidato.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Galbeed ay isku diyaarineyso in ay bilowdo doorashooyinka Aqalka Hoose wallow ay jiraan caqabado siyaasadeed oo daran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 04:30PM