Taliye ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliye ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa lagu waramay in uu dhaawac kasoo gaarey qarax miino oo Talaadada maanta ah lala eegtay.

Gaashaanle Maxamed Dheere, taliyihii Ururka Qeybta 43-aad Guutada-10aad-Ururka-49, ayaa la sheegay in dhaawaciisu culus yahay.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda laga helayo dadka degaanka, goobjoogeyaal iyo saraakiil ciidan, askar ilaalo u ahayd taliyaha ayaa loola cararay goobaha caafimaadka markii ay isla qaraxaan ku dhaawacmeen.

"Taliyaha ayaa gurmad ahaan ugu sii jeeday deegaanka Kormalay oo saakay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab," ayuu yiri sarkaal magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu warbaahinta siiyo fahfaahinta xogta weerarkaas.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa loo badinayaa in ay ka dambeyso maleyshiyada Al-Shabaab.

Kadib dagaalkii saakay, xaaladda degaanka Kormalay ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo amni xaqiijin ah.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah qodobada xudunta u ah is-mari-waaga haatan ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21.

Jubaland oo gobolkaas uu hoostago ayaa codsaneysa in ciidamadda dowladda laga saaro si doorasho xor iyo xalaal ah u qabsoonto. Madaxtooyadda Soomaaliya oo halkaas geysay waxay diidan tahay soo jeedintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM