Taliye ku-xigeenka hay’adda NISA oo is-casilay [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Taliye ku xigeenka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somalia (NISA) Cabdisalam Yuusuf Guuleed, ayaa maanta iska-casiley xilkaasi, xilli uu billowday Howlgal amni.

War Saxaafeed uu soo saarey Cabdisalaam ayuu ku sheegay in sababo u gaar ah uu shaqada uga tagey, islamarkaana Iscasilaadiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdisalam ayaa ahaa mudo sanado ah Taliye ku xigeenka dhanka howlgallada, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro Isbedello la doonayo in lagu sameeyay Taliyaasha hoose ee NISA.

Hay'adda NISA oo dhawaan Madax looga dhigay Sanbaloolshe ayaa waxay sheegtay inay Muqdishu ka fulinayso howlgallo xilliga bisha Ramaad, si looga hortago weerarada Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM