Taliye sare oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Image
Khasaaro kale oo dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyay. Taliska Ciidanka ayaa wali ka hadlin falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in aroornimadii maanta ay weerar gaadmo ah ka fuliyeen degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidda saxaafaddu qortey.

Warar ayaa sheegaya in Taliyahii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey) uu kamid yahay saraakiisha ku dhimatay falkaas.

Khasaaro kale oo dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyay. Taliska Ciidanka ayaa wali ka hadlin falkan. Weerarada noocaan ah ayaa soo kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa warisay in ay weerarka uu ku bilowday ismiidaamin iyo dagaal toos ah ayna si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta Xawaadley. Balse, dowladda wali kama aysan jawaabin.

Taliyihii CID-da saldhiga booliska magaalada Beledwayne ayaa shalay waxaa lagu waramay in uu kamid yahay dad ku nafwaayay qarax loo adeegsaday gaari oo saaka ka dhacay degaanka Halgan.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in weerarka uu ahaa ismiidaamin ay la socdeen dabley ayna ciidamadda isla caabiyeen. Hase ahaatee, illaa haatan si rasmi ah looma xaqijin karo warbixinadan.

Marxuum Jamaal Axmed Jaamac ayaa kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa ololaha looga soo horjeedo Al-Shabaab ee bilooyinkii lasoo dhaafay ka socdey qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Weerarada ay Al-Shabaab ka fulinayaan gobolka Hiiraan ayaa kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay waxaana loo arkaa mid ay uga aargudaneyso kacdoonka ay shacabka gobolkan ku jebiyeen kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM