Taliye sarre oo lagu dilay qarax miino ka dhacay gobolka Baay

Image
Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse waxaa lagu tuhmayaa kooxda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa degaanka Awdiinle iyo degmadda Bardaale ee gobolka Baay.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad uu ka mid yahay askarta aan la cayimin ee lagu dilay qaraxa.

Sarkaalka geeriyoodey ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Nuur Mad-Dheere kaas oo ahaa Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidamadda Soomaaliya.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Soomaaliya. Sidoo kale, ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan.

Askarta ayaa la socday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada markii uu qaraxu dhacayay. Weerarkan waxa uu kusoo aadayaa xilli gobolka ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad u dhaxeyso beelo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM