Taliye todobaad gudahiisa laba jeer isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliya, Janeraal Cali Barre Xersi [Cali Gaab], ayaa todobaad gudahiisa laba jeer isku day dil kaga badbaadey magaaladda Muqdisho.

Gaariga sarkaalka ayaa saaka lagu qarxiyey wadada Afisiyooni nawaaxiga Iskuulka Al-Masal, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, oo intaas ku daray in weerarka uu ka dhashay khasaaro aan wali la tirakoobin.

Ma cadda hadii Cali Gaab uu waqtigaas saarnaa baabuurka iyo in kale. Balse, warar ayaa waxay tibaaxayaan in uu la socday kolanyadda.

Fahfaahin horudhac ah ayaa soo jeedineysa in laba qof oo ay ku jirto haweenay kuwaas oo wadada marayey ay ku dhaawacmeen qaraxa.

"Qaraxa wuxuu ahaa Miino. Jawiga meesha ay wax ka dhaceen hadda waa mid degan. Ma jirin ciidan meesha yimid," ayay raaciyeen goobjoogeyaasha.

Bishaan May 20-keeda ayay ahayd markii gaari kale oo uu leeyahay taliyaha lagu beegsaday agagaarka isgoyska Banaadir. Hal askari oo ilaaladiisa kamid ahaa ayaa ku dhintay, saddex kale waxaa kasoo gaarey dhaawac.

Cali Gaab oo tibaaxay in xilligaas uusan la socon baabuurka ayaa isku daygaas la doonayey in lagu khaarijiyo ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Falalka liddiga ku ah ammaanka ayaa xiliyadda qaar ka dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho, inkasta oo hay'addaha ammaanka ay dedaalo wadaan, haddana waxaa aad loo dhaliilayaa dabaca sirdoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM