Taliyeyaal Ciidan oo shaqadii looga joojiyey Musuqmaasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa waxaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay sarkaal ka tirsan ciidamada illaalda degaanka.

Waxaa shaqadii laga joojiyay Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, waxaana Maamulka Gobolka faray shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Ku xigeennadooda.

Sababta shaqo joojinta ayaa lagu qeexay inay tahay kadib markii lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, taasoo uu kusoo rogay saraakiishani Xafiiska Xeer-illaaliyaha guud ee dalka, inkasta uusan fahfaahin dheeri ah ka bixin gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay xafiiska Eng Yariisow waxaa intaas lagu daray in maamulka uusan udulqaadan doonin, sida hadalka loo dhigay, musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin, xili saraakiisha iyo masuuliyiinta looga digay arrintaas.

Talaabooyinkaan ayaa qayb ah olale xoogan oo si xowli ah ku socda, kaasoo ay waddo dowladda, islamarkaana ay kusoo xiro iyo shaqo joojin loogu sameynayo masuuliyiin, iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda hadda jirta ee uu Farmaajo hogaamiyo.

Shaqo joojinta lagu sameeyay saraakiishaan ayaa imaaneysa xili todobaadyo kahor la sheegay in eedaymo musuq-maasuq labo sarkaal, kuwaasoo dowladdu sheegtay inay qaateen lacago laaluush ah, islamarkaana baaritaan la marsiin doono.

Dhowaan ayay ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu si cad ugu dhawaaqay in dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto cid walba oo lagu helayo musuq, isaga oo si gaar ah ugu digay wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM