Taliyeyaal is-qarxin lagu dilay shantii maalin ugu dambeysay

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada aargoosiga kadib markii dhul badan laga qabsadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaadka Al—Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ay ku ekeeyeen saldhig ciidamada huwanta ee degmadda Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliye ku xigeenkii ciidamadda kumaandooska Danab, Xasan Tuure, uu ku nafwaayay weerarkan. Askarta Danab ayaa kamid ahaa cutubyadda dhowaan la wareegay magaaladan.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa warisay in askar iyo saraakiil kale ay ku "khaarijiyeen weerarkan". Balse ma aysan shaacin tiradda.

Taliska milatariga Soomaaliya ayaa wali ka hadlin falkan. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in ciidanka ay caabiyeen "dhagar uu soo maleegay cadowga Khawaariijta ah".

Waa weerarkii lixaad oo qarax loo adeegsaday oo dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ay illaa haatan bishan Janaayo, 2023 ka fuliyaan guud ahaan Soomaaliya.

Feejignaan dheeraad ah

Si lamid ah, waa taliyihii saddexaad oo xil sarre ka haya milatariga Soomaaliya oo illaa haatan ay Al-Shabaab ku dilaan weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin illaa haatan bishan Janaayo, 2023.

Taliyihii CID-da saldhiga Beledwayne, Jamaal Axmed Jamaac, ayaa Jan 16, 2022 waxaa lagu dilay ismiidamin lagula eegtay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. 15 ruux kale ayaa halkaas ku dhimatay.

Taliyahii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed ayaa Jan 17, 2022 waxaa lagu dilay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe kadib is-qarxin galaafatay 8 askari kale.

Taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, Jeneraal Biixi, ayaa dhowaan wuxuu Garowe Online Twitter Space u sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro aargoosi ismiidaamin ah oo ay Al-Shabaab maleegeyso.

Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee todobadii bilood lasoo dhaafay ka socday gobolada Soomaaliya ayaa lagu xoreeyay tobanaan degaan xilli xukuumadda sheegtay in lagu dilay "2,000 Al-Shabaab ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM