Taliyeyaal is-qarxin lagu dilay shantii maalin ugu dambeysay

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada aargoosiga kadib markii dhul badan laga qabsadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaadka Al—Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ay ku ekeeyeen saldhig ciidamada huwanta ee degmadda Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliye ku xigeenkii ciidamadda kumaandooska Danab, Xasan Tuure, uu ku nafwaayay weerarkan. Askarta Danab ayaa kamid ahaa cutubyadda dhowaan la wareegay magaaladan.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa warisay in askar iyo saraakiil kale ay ku "khaarijiyeen weerarkan". Balse ma aysan shaacin tiradda.

Taliska milatariga Soomaaliya ayaa wali ka hadlin falkan. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in ciidanka ay caabiyeen "dhagar uu soo maleegay cadowga Khawaariijta ah".

Waa weerarkii lixaad oo qarax loo adeegsaday oo dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ay illaa haatan bishan Janaayo, 2023 ka fuliyaan guud ahaan Soomaaliya.

Feejignaan dheeraad ah

Si lamid ah, waa taliyihii saddexaad oo xil sarre ka haya milatariga Soomaaliya oo illaa haatan ay Al-Shabaab ku dilaan weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin illaa haatan bishan Janaayo, 2023.

Taliyihii CID-da saldhiga Beledwayne, Jamaal Axmed Jamaac, ayaa Jan 16, 2022 waxaa lagu dilay ismiidamin lagula eegtay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. 15 ruux kale ayaa halkaas ku dhimatay.

Taliyahii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed ayaa Jan 17, 2022 waxaa lagu dilay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe kadib is-qarxin galaafatay 8 askari kale.

Taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya, Jeneraal Biixi, ayaa dhowaan wuxuu Garowe Online Twitter Space u sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro aargoosi ismiidaamin ah oo ay Al-Shabaab maleegeyso.

Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee todobadii bilood lasoo dhaafay ka socday gobolada Soomaaliya ayaa lagu xoreeyay tobanaan degaan xilli xukuumadda sheegtay in lagu dilay "2,000 Al-Shabaab ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM