Taliyihii Danab oo xilka laga qaadey mid cusubna la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka ka qaadey taliyihii Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB, Gaashaanle Ismaaciil C/maalik, oo mudooyinkii dambe ku xirnaa Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waxaa lagu bedelay Gaashaanle Axmed C/llaahi Nuur [Beeryare], oo horey u ahaa ku-xigeenka DANAB, sidoo kalena kasoo noqday taliye Koox, hurin iyo saadka, xilalkaas oo uu soo qabtay kadib markii uu kusoo biiray Ciidanka 2013.

Beeryare ayaa tababarkiisa kusoo qaatey Uganda, Itoobiya, Turkiga iyo Mareykanka, isagoo mudooyinkii dambe ka howlgalayay gobollada ay Ciidanka Mareykanka howlgallada gaar ah ka fuliyaan, sida Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Wuxuu noqonayaa taliyihii 6aad oo DANAB loo magacaabo tan iyo 2013 markii la aas-aasay, waxaana isbedelladan isdaba-joog ah ku jahwareeray AFRICOM, oo gacanta ku haya Ciidankan, islamarkaana siiya tababarka, mushaarka iyo agabka ay ku howlgalaan.

Taliyeyaasha DANAB

Xasan 'Kumaandoos' 2013-2014
Yacquub Ahmed Siyaad 2014-2015
Axmed C/llaahi Sh. 'Axmed Danab' 2016-2019
Cabdiraxmaan Cumar 'Jeeniqaar', 2019-2020
Ismaaciil Cabdi Maalik 2020-2020
Axmed Cabdullaahi 'Beryare', 2020 - hadda. 

DANAB oo ah unuga ugu fir-fircoon Ciidanka xoogga dalka, ayaan helin talis wanaagsan mudadii ay jireen tan iyo 2013, iyadoo xilka qaadista Gaashaanle Ismaaciil C/maalik ay ku qaadatey Farmaajo 3 bilood.

Si rasmi ah looma oga sababta xilka looga qaadey taliyaha, balse waxaa jira isbedello lagu sameynayo taliyeyaashii ku dhawaa Khayre ee hayay xilalka sare ee Ciidanka dowladda xili dalka la filayo inuu doorasho galo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM