Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo shaqo joojin lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gaashaanle Sarre Aadan Xuseen Kulmiye, taliyihii xabsiga dhexe ee Muqdisho, ayaa shaqada looga joojiyey weerarkii ay maxaabiista Al-Shabaab ka dhex-fulisay jeelka ugu weyn caasimada.

Sareeyo Guuto Daahir Cabdulle Raage ayaa loo magacaabay sii-haayaha taliyaha xabsiga, sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday Taliyaha Ciidamadda Asluubta, Jeneraal Mahad Maxamed Cabdiraxmaan.

Digreetadda ayaa lagu caddeeyay in wali uu baaritaan ku socda falkaas, hase ahaatee, laguma tafaasiil dheeriya oo baaritaanka ah.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in 20 maxaabiis oo ay ku jiraan qaar haween ah ay wajahayaan su'aallo waydiin la xiriirta dhacdadaas.

Shaqaaqadaas galaafatay 15 maxbuus oo afar kamid ah ay ahaayeen kuwii weerarka fuliyey ayaa keentay markii hub loo dusiyey. Marka laga reebo midkood, inta kale waxay ahaayeen dagaalamayaal.

Sidoo kale, maxbuus kale oo Al-Shabaabnimo u xukumanaa ayaa la wariyey in uu ku baxsaday Mooto Bajaaj uu ka dishay laba shacab ah oo midkood uu darawalka ahaa.

Xukuumadda federaalka ah ah ee Soomaaliya ayaa tibaaxdey in ay guddi u saartay baaritaanka weerar, ayna soo bandhigi doonto natiijada kasoo baxda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in weerarka ka la fududeeyay ayaa ku eedeeyay taliska nabad-sugida oo ay sheegeen in ujeedka ay ka lahayd uu ahaa "si ay u fakiso maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM