Talo uu Yoweri Museveni siiyey Xasan Sheekh oo lasoo bandhigay

Image
Soojeedintan ayaa ku saabsan dhinaca laamaha nabad-gelyadda si gaar ah dhismaha ciidan qaran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Uganda, Yoweri Kaguta Museveni Tibuhaburwa, ayaa ku booriyay Soomaalida inay ka fiirsadaan dhismaha ciidan qaran oo leh fikradda saxda ah ee difaaca dalkooda si nabad loo helo.

Baaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu dhowaan magaala madaxda dalkaas ee Kampala ku qaabilay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Labada hogaamiye ayaa tababar u soo xiray 3,000 askar Soomaali ah.

Museveni ayaa, sida laga soo xigtey wargeyska afka dheer ee Daily Monitor, waxa uu Xasan Sheekh kula taliyey in uu diirada saaro tababarida ciidamo mutadhawaciin ah ama aan mushahar ka dooneyn dowladda federaalka ah.

"Sidaas waa qaabka lagu dhisay ciidamadda difaaca Uganda," ayuu yir, isaga oo intaas ku daray: "Mushkilada ah ciidan doonaya mushahar waxay hadda haysataa wadamo badan oo ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika".

Wuxuu sii raaciyey: "Burburka hay’adaha amniga waxaa sabab u ah difaaca iyo lacagta oo la isku dhex daro. Waxaad dhistaan ​​ciidan xor ah oo ku salaysan iskaa wax u qabso. Sidaas ayaanu ku dhisnay ciidankeenna".

Hogaamiyahan xukunka dheer ayaa rumeysan in Soomaaliya oo saddex jeer ka weyn Uganda ay fursad u haysato in ay ciidamadda si il-xilqaan ah ugu soo biiraan ciidamadda ayna si bilaash ah ku difaacaan dalkooda.

Sannadkii 2007, Uganda ayaa waxay noqotey waddankii ugu horreeyay ee ciidamo u soo diraya Soomaaliya si ay nabadda u ilaaliyaan. Askartaa waxay ka tirsanaayeen AMISOM oo haatan loo badalay ATMIS oo KMG ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM